Till huvudinnehåll

Soomaali (somaliska)

Guddiga sare oo rafcanka arrimaha dugsiyada waa hey’add madax bannaan oo sidii maxkamad camal ah, oo adiga oo ardeyga ah ama waalidka rafcan ugu dirsankartiin haddii aadan ku qanaxsaneen go’aan lagaa gaaray oo quseeyso fasalka ardeyda lix sano jirka, dugsiga aasaasiga, dugsiga sare iyo waxbarashada dadka weeyn.

Maxaa laga dacwoonkara?

Adiga waxaa ka dacwoonkartaa dhowr go’aano oo kala duwan, tusaale ahaan qorsha caawinaada ardeyga, go’aanka in koox qaas ardeyga waxbarasho la dhigto iyo go’aanka in ardeyga lagu qaabilo dugsiga qaaska, dugsiga sare ama barashada luqada iswiidhishka oo dadka ajnabiga (sfi).

Maxey keeni kartaa inaa rafcaan ka qaato go’aan?

Guddiga sare oo rafcanka arrimaha dugsiyada waxey go’aan karan in go’aanka aad ka dacwooneysid uu qalad yahay, oo sidaas buu guddiga ku kaansalikaran go’aanka.

Sidee la suubin markii rafcaan la soo gudbinaayo?

- Iska hubi in go’aanka rafcan laga qaadankaro.
- U dir rafcankaada qofkii go’aanka gaaray, toos ah ugu soo dirin Guddiga sare oo rafcanka arrimaha dugsiyada.
- Rafcankaada waa inuu saddax isbuuc gudaheeda nagu soo gaaro laga soo bilaabo maaliintii adiga go’aanka ku soo gaaray.
- Soo qor go’aanka aad ka dacwooneysid, isbadalada aad rabtid iyo sababta.
- Ku soo qor magacaada, lambarkaada aqoonsiga iyo warbixinta xiriirida.
- Soo saxiix dacwadaada.
- Dacwadaada iyo wixii waraaqo oo kale oo soo dirtid waxey noqonaayaan hanti guud oo qofkasto baa akhrisankaro. Go’aanka guddiga waa hanti guud.

Nala soo xiriir

Ciwaanka bostada:
Skolväsendets överklagandenämnd
Box 23069
104 35 Stockholm

Ciwaanka booqashada:
Sveavägen 159, Stockholm

Telefoonka:
08-729 77 60

Fax:
08-58 60 80 09

E-mailka:
overklagandenamnden@overklagandenamnden.se

Senast uppdaterad: 16 september 2020