Till innehållet

Soomaali (somaliska)

Skolväsendets överklagandenämnd waxa weeye hay’ad maxkamad oo kale ah oo wax ka qabata ashtakooyinka ka yimaada qaybaha waxbarashada. Guddooyinka iyo guddoomiye ku xigeenka guddiguna waa garyaqaano oo waaya-aragnimo ku leh wax xukumidda. Qaybaha kale ee guddigu waxay isugu yiraan khabiir waxbarasho, dhakhtar-dugsiyeed, aqoonyahan cilmi-nafsi, khabiir habka waxbaridda, maamule dugsi iyo garyaqaan horay madax u soo ahaa.


Maxaa la sameeyaa marka rafcaan la qaadanayo?

  • Baar oo iska hubi in go’aanka laga dacwoon karo. Waxaad samayn kartaa inaad ama nala soo xiriirto oo wax na weyddiiso ama aad boggaan gasho oo af iswiidhish ku akhrisato: Vilka beslut kan överklagas
  • Rafcaanka u dirto cidda go’aanka gaartay, ee toos ha ugu dirin guddiga rafcaanka ee Skolväsendets överklagandenämnd.
  • Waa in rafcaanku ama dacwaddu na soo gaartaa muddo saddex toddobaad gudahood ah oo laga bilaabo maalinta aad heshay go’aanka.
  • Qor go’aanka aad ka dacwooneyso, waxa aad dooneyso in laga beddelo iyo sababta.
  • Qor magaca, lambarka dhalashada iyo adareeska iyo telefoonka lagaa la soo xiriirayo.
  • Saxiix warqadda rafcaanka.
  • Rafcaanka iyo wixii kaloo qoraal ah oo noo soo gudbisaa waxay ka mid noqonayaan kuwo dadweynaha u furan oo cid waliba akhrisan karto. Go’aanka guddigu waa mid furan dadweynaha oo cid waliba akhrisan karto.

Sharciyada iyo xeerarka

Sharciga waxbarashada oo af iswiidhish ku qoran (waxaa furmeysa daaqad cusub)

Halkaan nagala soo xiriir

Adareeska boostada

Skolväsendets överklagandenämnd
Box 23069
104 35 Stockholm

Adareeska waddada

Sveavägen 159, Stockholm

Telefon

08-58 60 80 00

Fax

08-58 60 80 09

E-post

overklagandenamnden@overklagandenamnden.se